Dowladda Mareykanka ayaa ku gacansayrtay qorshaha nabadda ee uu ka hadlay Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Asad oo ay ku tilmaantay isku day kale oo uu awoodda uu isku sii dhajinayo.
Kumanaan mudaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay Qaahira,kuwaas oo ka cabanya arrima dhawr ah oo ay ka mid tahay awood korodhsiga Madax wayne Morsi iyo dastuurkii qabyo qoraal ka ahaa oo la ansixiyay.
Qaramada Midoobay ayaa ku dhiiri gelisay in labada dhinac ay ilaaliyaan xabbad-joojinta soo afjartay sideed maalmood oo dhiig uu ku qubanayay dagaalka u dhaxeeya Israaiil iyo Xamaas ee Qasa.
Mucaaradka Syria ayaa sheegay inay bilaabeen weerar culus oo ay ku qabsanayaan saldhig ciidamada cirka ee waqooyiga wadanka si ay u xayiraan weerarka cirka ee ay dowladda qaado.
Dibad Baxyo Dad Reer Liibiya Ah Ay Iskaga Hor Yimaadeen Ayaa Waxay Dhalisay In Lagalo Saldhigyo Kooxo Hubaysan,Halkaa Ayaa Waxaa Ka Dhashay Dhimashada illaa 4 Ruux.
Buug Laga Qoray Sidii Loo Dilay Hogaamiyihii Ururka Al Qaacida Osama Bin Laden,Buugan Ayaa Waxaa Qoray Osama Mark Owen Oo Ahaa Ragii Weerarkan Fuliyay.
Waxaa Awoodi Wareejiyay Golihii KMG Ka Ahaa Ee Liibaya Kadib Markii Ay Ku Fashilmeen Xasilinta Dalka Liibaya.Waxayna Ku Wareejiyeen Golaha Baarlamaanka Cusub.
Madax waynaha Tunuusiya ayaa wax sharci daro ah ku tilmaamay talaabadii ay Dawladdiisu dib ugu celisay Raysal wasaarihii hore ee Liibiya Al-Baqdaadi Al-Maxmuudi.