Iyada oo maanta ay ku beegan tahay maalintii dad badan oo kamid ah kuwa ku dhaqan Puntland ay sugayeen in la qabto doorasho ayaa xaaladda guud ee Puntland tahay mid degan.
Sheekh C/qaadir Muumin ayaa waxa uu si kulul uga hadlay hadal ka soo yeeray Faroole oo uu ku sheegay in aan Puntland laga dhisi Karin masjid aysan ka war haynin.
Daawo muuqaalkii mudaharaadkii magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar oo ay shalay dad mudaharaad ka dhan ah Faroole ay dad ku dileen qaarna ku dhaawaceen ciidamadii la socday Fareele.
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xalay lagu dilay magaalada laba ruux oo mid ka mid ahi uu ahaa nin Oday dhaqameed ah oo si wayn looga yaqaanay.
Xisbiga Talowadaag Ee Puntland Oo Ku Baaqay In Doorashada Puntland Ay Dhacdo Horaanta Sanadka Cusub Ee 2013-ka Isamarkaana Eedayn Kulul Usoo Jeediyay Hogaanka Sare Ee Puntland.
Ra'iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Xildhibaan Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas oo booqasho ku maraya tan iyo 19-kii bishii hore deegaanada Puntland ayaa war saxaafadeed ka soo saaray socdaalkiisa.
Nin u dhashay wadanka Yeman oo lagu magacaabo Saalixi Cafiidi Camuudi oo lagu eedaynayay in uu hub soo galiyay Puntland ayaa ay maxkamad ay leeyihiin ciidamada Puntland ay ku xukuntay Dil-Toogasho.